Puntland ayaa markale ku eedaysay Madaxweynaha dowladda federalka ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku fashilmay…

Puntland ayaa markale ku eedaysay Madaxweynaha dowladda federalka ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu ku fashilmay midnimadii dadka iyo dalka, uuna xilligaan dhexgalay loolan u dhexeeya dalal shisheeye.
Wasiirka arrimaha gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid (Juxaa) ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa X ku sheegay in madaxweynaha waqtigu dhammaad ka yahay uuna ku guuldarraystay dastuurkii iyo midnimadii Soomaaliya.
“Xasan Sheekh Maxamuud waxaa loo dhaariyey inuu ilaaliyo dastuurka iyo midnimada dalka/ dadka, labadiiba waa ku fashilmay waqtigiina waa ka dhacay, wuxuu Soomaali ku dhex tuuray loolan iyo is-hardan dalal danohoodau isdiidan yihiin”, Ayuu yiri Wasiir Juxaa.
Dhanka kalena, Wasiir Juxaa ayaa sheegay in haddii la waayey wixii la wadaagey ay tahay in Soomaalidu kala ilaashato waxa ay kala leedahay,”Haddii la waayey wixii la wadaagey waa in lakala ilaashado waxyaalaha lakala leeyahay.”




