Puntland oo markale ka digtey waxka beddelka dastuurka.

28 January, 2026

Xukuumadda Puntland ayaa shaaca ka qaadday inaysan waxba iska beddelin mowqifkii Puntland ee soo baxey 26kii…

Xukuumadda Puntland ayaa shaaca ka qaadday inaysan waxba iska beddelin mowqifkii Puntland ee soo baxey 26kii Bishii Maarso 2024, kuna aadanaa wax ka bedalka nuqulo katirsan dastuurka kumeel gaarka ah ee Somalia.

Puntland waxay nasiib-darro ku tilmaantay in DFS meesha ka saarto Dastuurkii KMG-ka ahaa ee Bulshad Somaaliyeed ku heshiisey, laguna ansaxiyey Aftidii Ergada dadweynaha ee dhammayed 825, Mogadishu 1 Bishii August 2012.

“Dowladda iyo hay’adaha Bulshada Rayidka ah ee Puntland marna qayb kama noqon wax ka bedalka sharcidarada ah ee masuuliyiinta Federaalku ku bedalayaan dastuurkii dalka. Wax ka bedalkasta oo lagu sameeyo dastuurkii dadka Somaliyeed ku heshiiyeen 2012, ayadoon heshiis lagu aheyn, dadka Somaliyeed u dhammeyn, isla markaana aan loo marin habraaca wax ka bedalka dastuurka ee ku cad cutubka 15aad ee dastuurku KMG-ka waa waxba kama jiraan, masuuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud”, Ayaa lagu yiri qoraalka.

Digniinta Puntland ayaa ku soo aadaysa xilli maanta xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Somalia ay yeelanayaan kulan looga hadlayo waxka-beddelka cutubyo horleh oo katirsan dastuurka dalka, xilli dhawaan golaha samatabixinta Soomaaliyeed ka digeen faragelinta dastuurka dalka.