Xukuumadda Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay qoraal maalin kahor ay wasaaradda arrimaha guduhu ku shaacisay in…

Xukuumadda Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay qoraal maalin kahor ay wasaaradda arrimaha guduhu ku shaacisay in gobolada Sool iyo Cayn ay qayb ka yihiin Puntland, sida ku cad dastuurkeeda.
Wasiirka warfaafinta Puntland ayaa sheegay inaysan diidanayn inay tashtaan bulshada gobolku haseyeeshee ay u baahan tahay sharciyad iyo in dhammaan dadkii wada dhistay Puntland ay qayb ka nqodaan.
“Dastuurka waxaa ku qoran in dhammaan dhinacyadii wada samaystay 1998 inay weli Puntland ilaa la gaaro wadatashi dadka reer Puntland shir isugu yimaadaan oo lagu qaadanayo go’aan ka duwan midkii berigaa la sameeyey, gobol kasta iyo degmo kasta oo kamid ah intii berigaa samaysatayna Puntland ayey kamid yihiin”, Ayuu yiri Maxamuud Caydiid Dirir.
“Tashigu waa inuu sharciyad ku yimaadaa, wuxuuna ku imaan karaa dadka reer Puntland inay tashiga ka wada qayb galaan, laakiin koox gaar ahi keligeed intay go’aan gaarto gobolba maalin iskama bixi karto, Puntland waxaa jooga madaxweyne ku-xigeen, 17 xildhibaan, 10 wasiir iyo shaqaalihii dowladda oo hay’ad walba jooga, haddii la tashanayo waxay ahayd inay iaygu xitaa tashiga qayb ka yihiin”, Ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid”.
Ugu dambayntiina Caydiid ayaa sheegay in ballantu ahayd in dagaalkii Sool kadib laysugu yimaado shir-weyne ay ka wada qayb galaan bilihii wada-dhistay Puntland laguna go’aamiyo waxa laga yeelayo Sool iyo Cayn.



