Puntland oo markii ugu horraysay laga hirgeliyey kulliyadda saxaafadda.

21 November, 2025

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) iyo Jaamacada Puntland State University ayaa caawa ku qabtay Garowe Munaasabada Daahfurka…

Ururka Warbaahinta Puntland (MAP) iyo Jaamacada Puntland State University ayaa caawa ku qabtay Garowe Munaasabada Daahfurka Kuliyadda Saxaafada Puntland.

41 oo ka tirsan hawlwadeenada Warbaahinta Puntland ayaa lagu bilaabay barnaamijkan ay ka soo qayb-galeen mudanayaal ka tirsan Golayaasha Dowladda, khuburo warbaahin, ururada bulshada rayidka iyo marti sharaf lagu casumay.

Ujeedka asaaska Kulliyadda Saxaafaddu ayaa ah tayeynta warbaahinta Puntland, iyadoo la soo saarayo suxufiyiin xirfad leh, aqoon iyo anshax suxufinimo oo casri ah ku shaqeeya si ay door muuqda uga qaataan horumarinta dalka iyo dadka.

MAP waxay u mahadcelinaysaa cidkasta oo ka qayb qaadatay gacana ka gaysatay hirgelinta kuliyadda saxaafada, waxana ay u rajayneysaa ardeyda in Alle ku guuleeyo safarkooda waxbarasho.