Puntland oo markii ugu horreysey yeelatay guddiga xirfadlayaasha caafimaadka.

7 May, 2026

Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horraysay soo dhistay guddiga xirfadlayaasha caafimaadka Puntland, oo qaabilsanaan doona shaqooyin…

Xukuumadda Puntland ayaa markii ugu horraysay soo dhistay guddiga xirfadlayaasha caafimaadka Puntland, oo qaabilsanaan doona shaqooyin ay horay u qaban jirtey wasaaradda caafimaadka Puntland.

Wasiirka Caafimaadka Dowladda Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Maxamed (Farole), ayaa si rasmi ah u magacaabay Guddigaan si loo xoojiyo nidaamka ruqsad-bixinta, diiwaangelinta, ilaalinta anshaxa xirfadeed iyo tayada adeegyada caafimaadka.

Hoggaanka Guddiga:

• Guddoomiye: Dr. Maxamed Xuseen Aadan

• ⁠Gudoomiye Ku-xigeen: Dr. Sahal Axmed Gurey

Xubnaha:

• Dr. Samatar Ismaaciil Ciise

• Cabdirisaaq Maxamed Cartan

• Sakariye Maxamed Shire

• Cabdifatax Cali Hiirad

• Xaawo Xasan Maxamed

• Ayaan Jaamac Maxamed

• Cumar Cabdi Cismaan

Xoghayaha Guddiga:

• Axmed Faarax Kilwe

Guddigan wuxuu fulin doonaa waajibaadka diiwaangelinta xirfadlayaasha, bixinta ruqsadaha, ilaalinta anshaxa iyo hubinta tayada adeegyada caafimaadka.