Dowladda Puntland ayaa wada hawlgal ballaaran oo lagu beegsanayo dadka ajaaniibta ah ee sharci-la’aanta ku jooga deegaanada Puntland, kuwaas oo loo masaafurinayo dalalka ay ka yimaadeen.

Boqolaal qof oo kasoo jeedda dalka Itoobiya kuwaas oo sifo sharci daro ah ku joogay deegaanadda Puntland ayaa mar dhawayd gawaaridda xamuulka ay ka qaadeen caasimadda Garoowe iyaggoo dhanka dhulka dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya ee gobolka Doolo ka geli-doona dalkoodda.
Dadkaan ayaa baaritaano lagu sameeyay waxaa laggu oggaaday inaysan wax shaqo ah gacanta ku hayn, dhamaan sharciyadda muhiimka u ah joogitaankoodana aysan haysan, sidoo kalena aysan jirin cid damiin ka ahayd oo ay la joggeen kuwaas oo dalka uga soo horeeyay.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa dhowaan soo saartay go’aankan lagu masaafurinayo dadka ajaaniibta ee sharci la’aanta, kadib ninkii ajanbiga ahaa ee ciidanka amaanka toogteen ee miinada ku aasayey wadada weyn ee magaalada Boosaaso.
Horseed Media