Puntland oo mashaariic cusub ka bilowday gobolada Sanaag iyo Haylaan.

20 January, 2026

Xukuumadda Puntland ayaa Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ka dhigax-dhigtay xarumo caafimaad, kana daahfurtay mashruuc…

Xukuumadda Puntland ayaa Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag ka dhigax-dhigtay xarumo caafimaad, kana daahfurtay mashruuc qayb weyn ka qaadan doona horumarinta caafimaadka gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Qoorsheel, ayaa si rasmi ah u daahfuray mashruuca LAAS, oo taageeri doona 19 xarumo caafimaad oo ku yaalla degmooyinka iyo deegaamada gobolada Sanaag & Haylaan, sida xukuumaddu ku dhawaaqday.

Mashruucaan ayaa muddada uu socda 19-kaas xarumood ka caawin doona mushaharka shaqaalaha, daboolidda adeegyada caafimaadka, taageerada dayactirka iyo qalabaynta iyo dhinacyo kale.

Dhanka kalena, wasiirka ayaa magaalada Badhan ka dhagax dhigay xarunta caafimaad ee ugu weyn guud ahaan gobolka Sanaag, taasi oo waxbadan ka qaban doonta baahiyihii dhanka caafimaadka ee bulshada gobolka.