Puntland oo mawqif cusub ka qaadanaysa Soomaaliya inteeda kale iyo MW Deni oo sii faahfaahiyey.

14 May, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markale ka hadlay mowqifka Puntland ee ku wajahan xaaladda…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa markale ka hadlay mowqifka Puntland ee ku wajahan xaaladda siyaasadeed ee ay xilligaan wajahayso Soomaaliya.

Madaxweyne Siciid Deni, waxa uu sheegay in Puntland ay shaacin doonto qorshayaal horleh oo ay ku wajahayso xaalka dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, wuxuuse shacabka ugu baaqay inay adkaystaan midnimadooda inta laga helayo hanaan dowladeed oo xaqiiqda wajaha.

“Dowladda Puntland mawqifkeeda mardhaw si cad bay u sheegi doontaa, laakiin aniga aragtidayda wixii maalmahaan laga wadey Muqdisho waa wax umadda Soomaaliyeed lagu marin habaabinayo, abaabul khaldan weeye oo la rabo in dadka hantidiisa lagu dhoco bad iyo berriba”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Madaxweynuhu wuxuu kale oo dhammaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si dhab ah uga hadlaan xaaladda uu dalku ku sugan yahay lagana shaqeeyo sidii loo samatabixin lahaa inta aan cidkale wax u yeerin umadda Soomaaliyeed.

“Dadka Soomaaliyeed waxaan inta goori goortahay u sheegayaa inay si dhab ah uga hadlaan mawaaqiftooda saxda ah, si khatarta soo socota looga hortago, wixii shalay laga qaylinayey wax ka daran in lagu dhocon aqbali mayno”, Ayuu yiri Madaxweyn Deni.