Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee dambiyada culus ee Puntland ee Mudug Iyo Ceyn…

Maxkamada darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee dambiyada culus ee Puntland ee Mudug Iyo Ceyn ayaa la horgeeyey afar eedaysane oo ku eedaysan inay katirsan yihiin kooxaha Alshabaab iyo Daacish Kuwaasi oo lagu qabtey qaraxyo iyo Daroonis
Saddex kamid ah eedaysanayaasha loo haysto inay magaalada Gaalkacyo soo galiyeen walxaha qarxayada laga sameeyo sida baaruudo TNT iyo daroono, isla markaana ay ka mid yihiin ururka argagixisada daacish
Eedaysana 4aad Oo ku eedeysan inuu ka soo goostay ururka aragagixisada ee alshabaab, una socday argagixisada daacish, balse ciidanka sirdoonka oo xogtiisa horey u haysay ay gacanta ku dhigtay
Magacyada Eedaysanayaasha
1 Maxamud Daahir Maxamed 25jir ah Ina Maryan Cabdi
2 C/Fitaax Xaashi Diiriye 36 jir ah Ina Caasho Salaad
3 Jaylaani Shariif Siidow 28 jir ah Ina Batuulo Macalin
4 Ciise Xuseen Ibraahim 22 jir ah Ina Sahro Cali