Puntland oo maxkamad keentay sarkaal laaluush qaatay & askari ka diidey.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland ayaa xukun dil…

11 June, 2026

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus ee Dowladda Puntland ayaa xukun dil toogasho ah ku ridday Cabdullaahi Maxamuud Shire, kadib markii lagu helay inuu si ula kac ah u dilay walaalkiis Cabdirashiid Maxamuud Shire.

Guddoonka iyo garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay in dambiga lagu soo oogay eedeysanaha lagu caddeeyey baaritaanno iyo marqaatiyo la horkeenay maxkamadda, isla markaan lagu helay inuu gacantiisa ku diley marxuumka.

Dhinaca kale, Xeer Ilaalinta Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida iyo Danbiyada Culus oo codsatay in dacwad lagu soo oogey sarkaal lagu eedeeyey inuu qaatay lacag laaluush ah oo dhan 566 Doollar, iyadoo goobta lala keenay askarigii uu amarka siin jirey oo ka diidey qaadashada lacagtaasi, si uu u dhawro sharciga iyo dhaartii uu maray.

Wararka ka soo baxay maxkamadda ayaa tilmaamaya in askariga diiday laaluushka uu arrinta u gudbiyey hay’adaha ku shaqada leh, taasoo horseedday in la baaro cid kasta oo ku lug lahayd falka musuqmaasuqa ah, waxaana xeer ilaalintu codsatay in la dallacsiiyo.