Puntland oo maxkamadaynaysa siyaasiyiin iyo saraakiil ciidan.

Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland ayaa soo saaray go’aanno la xiriira adkeynta amniga, ilaalinta nidaamka dowladnimada iyo…

6 August, 2026

Golaha Wasiirrada Dowladda Puntland ayaa soo saaray go’aanno la xiriira adkeynta amniga, ilaalinta nidaamka dowladnimada iyo xoojinta ku dhaqanka sharciga, kaddib shir ay yeesheen oo looga hadlay xaaladaha amniga iyo arrimaha maamulka.

Goluhu wuxuu go’aamiyay in hay’adaha caddaaladda loo gudbiyo magacyada xubno siyaasiyiin ah, saraakiil iyo shaqsiyaad kale oo lagu eedeeyay inay ku lug leeyihiin falal lagu sheegay inay khalkhal gelinayaan amniga iyo nidaamka dowladnimada Puntland, si loo mariyo hannaan sharci oo caddaaladeed.

Golaha ayaa faray dhammaan hay’adaha amniga in aan gudaha deegaannada Puntland lagu dhex wadan karin ciidan hubeysan iyo gaadiid aan ka tirsanayn hay’adaha rasmiga ah ee amniga. Dowladda ayaa sheegtay in tallaabadan looga gol leeyahay xoojinta kala dambeynta iyo ka hortagga dhaqdhaqaaqyada sharci darrada ah.

Goluhu wuxuu sidoo kale go’aamiyay in tallaabooyin waafaqsan sharciga laga qaado mulkiilayaasha iyo adeegsadayaasha baraha bulshada ee baahiya warar aan xaqiiqda ku dhisnayn ama lagu sumcad xumeeyo hay’adaha dowladnimada Puntland, wuxuuna ugu baaqay dhammaan hay’adaha warbaahinta iyo saxafiyiinta ka hawlgala gudaha Puntland inay ilaaliyaan xeerarka saxaafadda Puntland iyo anshaxa mihnadda, isla markaana ay hubiyaan saxnaanta xogaha ay bulshada u gudbinayaan.