Puntland oo muddaysay xilliga la qisaasi doono Hodon Maxamuud oo lagu helay dil ka dhacay Galkacyo.

2 February, 2026

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa si rasmi ah u muddaysay xilliga la fulin doono xukunka dilka…

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa si rasmi ah u muddaysay xilliga la fulin doono xukunka dilka ah ee Hodan Maxamuud Diiriye, Ina Xaawo Xasan, 34 sano jir oo maxkamadi ku heshay inay Magaalada Galkacyo ku dishay Marxuumad Saabiirin Saylaan Cabdille.

Qoraal ka soo baxay Maxkamadda sare ee Puntland ayaa si rasmi ah loogu shaaciyey in 2-da Febraayo 2026 Subaxnimada Talaada duleedka Galkacyo uu ka dhici doono xukunka qisaasta ah ee Hodon Maxamuud Diiriye.