Puntland oo nabadayn ka dhex bilowday beelo ku dagaalamay gobolka Mudug.

12 March, 2026

Xukuumadda Puntland ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku qabatay kulan lagu horumarinayo wadahadallada…

Xukuumadda Puntland ayaa maanta Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku qabatay kulan lagu horumarinayo wadahadallada xal u helidda colaadda deegaanka Roox ee gobolka Mudug.Puntland.

Kulankan oo ay goobjoog ka ahaayeen isimada gobolka Mudug oo ah marjaca iyo hoggaanka geeddi-socodka nabadaynta ayaa labada dhinac ku soo gudbiyeen min 17 xubnood oo matalaya si xal looga gaaro colaadda dhawaan ka dhacday deegaanka Roox.

Kulanka oo maanta bilowday ayaa muddaddii uu socdey waxaa lagu dhisay guddi dhexdhexaadin ah oo ka kooban lix xubnood, kuwaas oo ka shaqeyn doona hagidda iyo fududeynta wada-xaajoodyada.

Guddiga nabadaynta ee maanta lagu dhisay Galkacyo oo loo gudbiyey isimada dhaqanka ayaa waxaa si rasmi ah u aqbalay labada beelood ee khilaafku ka dhexeeyo, iyadoo la rajeynayo in tallaabadani ay dedejin doonto xal waara oo laga gaaro colaadda ka taagan deegaanka Roox.