Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa kulan la…

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka ee degmada Badhan ee gobolka Sanaag, kaas oo diiradda lagu saaray diyaar-garowga gogosha nabadeed ee loo qorsheeyey in ay socoto muddo 45 maalmood ah.
Muddadii uu kulanku socdey ayaa laga doodey hirgelinta shirka nabadda, soo dhaweynta ergooyinka, caqabadaha soo noqnoqda ee dib u soo celiya colaadaha, sidii looga hortagi lahaa in khilaafaadku mar kale isu beddelaan dagaallo iyo doorka ay odayaasha dhaqanku ku leeyihiin xallinta khilaafaadka iyo dib u soo celinta kalsoonida bulshada.
Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo doorka odayaasha dhaqanka, si loo helo hannaan wax-ku-ool ah oo lagu xalliyo tabashooyinka jira, lagana hortago soo noqoshada colaadaha.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada nabadeed ee ka socda degmada Badhan, iyadoo gogosha la qorsheeyey ay ujeeddadeedu tahay in lagu gaaro heshiis waara oo soo afjara colaadaha, xoojiyana wadajirka bulshada iyo amniga degmada. Dowladda Puntland ayaa xoogga saaraysa sidii loo heli lahaa nabad iyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda deegaanka.




