Puntland oo qaadacday awaamiir ka soo baxday dowladda Somalia.

19 November, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa si rasmi ah u qaaddacday awaamiir ka soo baxay federalka ah ee Somalia…

Xukuumadda Puntland ayaa si rasmi ah u qaaddacday awaamiir ka soo baxay federalka ah ee Somalia oo dhawaan lacago dul-dhigtay badeecooyinka ka soo degaya iyo kuwa ka dhoofaya dalka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in Villa Somalia oo adeegsanaysa shirkado gaar loo lee yahay ay amartay inay Invoice soo diraan dhammaan badeecooyinka imanaya iyo kuwa dalka ka baxaya iyadoo la marsiinayo shirkado danleey ah.

Wasiirka ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo qoyskiisa inay dhaqaalihii dalka gacanta u geliyeen shirkado gaar loo lee yahay ayna doonayaan inay meel walba dhaqaale abuur ballaaran ka sameeyaan.