Puntland oo qaadacday guddiga doorashooyinka heer federal.

11 May, 2026

Xukuumadda Puntland ayaa si adag uga jawaabtey tallaabadii ay guddiga doorashooyinka dowladda federalka ah ee Somalia…

Xukuumadda Puntland ayaa si adag uga jawaabtey tallaabadii ay guddiga doorashooyinka dowladda federalka ah ee Somalia ku sheegeen inay doorashooyin qof iyo cod ah uga qabanayaan Somaliland & Puntland.

Wasiirka Wasaaradda warfaafinta Dawladda Puntland Farxaan Cali Xirsi, ayaa sheegay inuusan jirin guddi doorasho oo Soomaalidu heshiis ku tahay isla markaana ay Puntland lee dahay guddi doorasho oo dastuuri aysanna qusayn guddiyo laga soo abaabuley Muqdisho.

“Ma jiro guddi doorasho oo Soomaali heshiis ku tahay Puntland waxay doorashooyinkeeda u maraysa habka Dastuurkeedu qabo say horeba usamayn jirtay”, Ayuu yiri Wasiirka wasaaradda warfaafinta Dawladda Puntland Farxaan Cali Xirsi.

Dhanka kalena, Wasiirka ayaa sheegay,”Puntland waxay leedahay guddi doorasho oo u xilsaaran qabashada, iyo habraacyada quseeya doorashooyinka mudda xileedka golayaashuna waa mid aysan wali ku dhicin mudo dhaaf oo lagu qabto waqti dastuuriya”.