Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade oo Warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa si cad u…

Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Faysal Sheikh Cali Jifo-Jabsade oo Warbaahinta kula hadlay Gaalkacyo ayaa si cad u sheegay in aan la oggolaan doonin in gudaha gobolka lagu qabto shirar siyaasadeed oo ay dabada ka riixayso dowladda federaalka, kuwaas oo aan lagala tashan Maamulka Gobolka.
“Gobolka waxa uu leeyahay nidaam maamul iyo kala dambayn, waxaana naga go’an ilaalinta midnimada bulshada, deganaanshaha siyaasadeed iyo in aan laga faa’iideysan marxaladda aan ku jirno. Sidaas darteed, shir kasta oo siyaasad xambaarsan oo aan qayb ka ahayn qorshaha horumarinta, ma aqbalayno in lagu qabto gobolka,” ayuu yiri guddoomiye Faysal Shiikh Cali.
“Hadda waxaa noo cad in Shirkani yahay arrima siyaasadeed oo dowladda Federaalka Soomaaliya soo riixayso, haddii uu yahay Shir horumarineed annaga diyaar u ah ee ha na loo keeno Ajandihiisa, taasi way diideen marka Shir siyaasadeed oo dan laga lee yahay gobolkan iyo magaalada laguma qaban karo mana oggolin”, Ayuu yiri Faysal Jifo-jabsade.



