Puntland oo qabatay 320 qof oo muhaajiriin Itoobiyaan ah.

Laamaha ammaanka ee Gobolka Bari ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso iyo deegaannada ku hareeraysan…

23 May, 2026

Laamaha ammaanka ee Gobolka Bari ayaa howlgal ay ka sameeyeen magaalada Boosaaso iyo deegaannada ku hareeraysan ku qabtay in ka badan 320 muhaajiriin Itoobiyaan ah oo si sharci darro ah ku joogay gudaha Puntland, lana doonayey in laga tahriibiyo xeebaha Magaalada Boosaaso.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari Gaashaanle Sare Siciid Aadan Siciid ayaa sheegay in dadka la qabtay dib loogu celin doono dalkooda Itoobiya, maadaama aysan haysan sharciyo u oggolaanaya inay si rasmi ah ugu safraan ama ugu joogaan Puntland, wuxuu xusay in Puntland aysan aqbali karin tahriibka sharci darrada ah ee halista ku ah amniga iyo xasilloonida bulshada.

Gaashaanle Sare Siciid Aadan Siciid ayaa tilmaamay inaysan macquul ahayn in tiro intaas le’eg oo dad ah si qarsoodi ah looga gudbiyo waddan ilaa waddan, isagoo sheegay in kooxaha ka shaqeeya tahriibinta dadka ay khatar ku yihiin ammaanka guud ee Puntland ayna tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doonaan cidkasta oo ay ku caddaato inay ku lug leeyihiin.

Waxaa kale oo uu digniin adag u diray darawallada gaadiidka qaada dadka muhaajiriinta ah isagoo caddeeyey in gaarigii dambe ee lagu qabto isagoo tahriibin wada dowladda si rasmi ah ula wareegi doonto, islamarkaana lagu dari doono gaadiidka dowladda si looga gaashaanto khatarta deegaanka iyo midda bulsho ee tahriibka.

“320 qof oo tahriib ah haddana dal ka dal la marsiinayo waa fal-dembiyeed, dadkaan waxaan dib ugu celin doonaa deegaankoodii waxaana halkaan farriin uga dirayaa dadka ku hawlan tahriibka, gaarigii dambe oo lagu qabtona wuxuu kamid noqon doonaa gaadiidka dowladda gorgortanna lagama geli doono dadka ku hawllana tallaabo uusan mahadin ayey la kulmi doonaan”, Ayuu yiri Gaashaanle Sare Siciid Aadan Siciid.