Tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya kooxda Daacish iyo ciidamada difaaca dowladda Puntland waxaa…

Tan iyo markii uu bilowday dagaalka u dhexeeya kooxda Daacish iyo ciidamada difaaca dowladda Puntland waxaa soo baxaya macluumaad iyo xogo muujinaya inay Somaliland macaamil laleeyihiin kooxaha Daacish iyo Alshabaab.
Xubno katirsan kooxaha nabaddiidka ah oo la qabtay ayna waraysiyo ka qaadeen hay’adaha baaritaanka Puntland ayaa caddeeyey inay ka soo degeen ama ay soo mareen deegaamada Somaliland, waxaana intaas dheeraa lacagta Shilling-ka Somaliland iyo macluumaad dalku gal oo ay Somaliland bixisay.
Hawlgalladii ugu dambeeyey ee ciidamadu sameeyeen ayey ku qabteen warqado ay bixiyeen xarumo caafimaad oo kuyaalla Somaliland, kuwaasi oo caddaynaya inay daawayn u sameeyeen xubno katirsan Daacish oo qabay dhaawacyo iyo xanuuno kala duwan.
Warqadaha la helay waxaa kamid ahaa mid ay ku qornayd Hadiyadda ciidda oo aysan ku qornayn faahfaahin dheeraad ah, xarumo ganacsi oo Puntland ah oo ay alaabo badan ka iibsadeen iyo xarumo caafimaad oo kuyaal Hargaysa kuwaasi oo dawayn jirey dhaawacyada iyo bukaanada culus ee kooxda Daacish.