Puntland oo qabatay dooni looga shakiyey inay siddey firxadka Daacish.

22 April, 2025

Taliska ciidanka difaaca dowladda Puntland gaar ahaan hawlgalka Hillaac ayaa faahfaahin ka bixiyey dooni sidey dad…

Taliska ciidanka difaaca dowladda Puntland gaar ahaan hawlgalka Hillaac ayaa faahfaahin ka bixiyey dooni sidey dad isugu jira Soomaali iyo ajaaniib laguna qabtay xeebaha degmada Qandala ee gobolka Bari.

Doontaan oo lagu qabtay deegaanka Bacaad ee degmada Qandala kadib markii uu shidaalku ka go’ay ayaa waxay siddey Soomaali iyo ajaaniib ay kujiraan carruur ayaa loo gudbiyey magaalada Boosaaso si baaritaan loogu sameeyo.

Boosaaso waxa baaritaan ku socda doon iyo dadkii ay waday oo Ciidanku kaso qabteen iyagoo Shidaalku ka go’ay aaga biyaha -deegaanka Bacaad ee Gobolka Bari, dadka saarna waa Soomaali iyo Ajaanib , waxaa ku jira caruur yaryar“, Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hawlgalka Hillaac.

Doontaan ayaa looga shakisan yahay inay siddey firxadka kooxda Daacish ee lagu jebiyey dagaalka Cal-miskaad, kuwaasi oo bilaabay inay siyaabo kala duwan uga baxsadaan goobaha dagaalka.