Laamaha ammaanka degmada Ufeyn ee gobolka Bari ayaa shalay gacanta ku dhigay nin u dhashay dalka…

Laamaha ammaanka degmada Ufeyn ee gobolka Bari ayaa shalay gacanta ku dhigay nin u dhashay dalka Yemen, oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad.
Horjoogahaan katirsan kooxda Daacish oo xilligii ciidanka ammaanku qabteen ku sugnaa deegaanka Afcad ee degmada Ufeyn, xilli uu la socday laba nin oo kale oo baxsaday ayaa lagu magacaabaa Mukhtaar Cali Naasir.
Afhayeenka howlgalka Hillaac ee buuraleeyda Cal-miskaad, Gen. Maxamuud Maxamed Axmed, ayaa sheegay in saddexdan nin ay muddo saddex maalmood ah ka soo socdeen deegaanka Shakaala oo la rumeysan yahay inay saldhig ku leeyihiin xubno ka tirsan Daacish.
Dowladda Puntland ayaa horraantii sanadkan soo bandhigtay tiro maxaabiis ajaanib ah oo lagu qabtay howlgalka Calmiskaad, kuwaas oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen Daacish, inkastoo aan weli la horgeyn maxkamad. Dowladda ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada lagu baacsanayo xubnaha ku harsan buuraha gobolka Bari.



