Puntland oo qabatay madixii maaliyadda Daacish & xubno la socdey.

25 July, 2025

Dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaadday in gacanta lagu dhigay madixii maaliyadda kooxda daacish ahaana wakiilkii…

Dowladda Puntland ayaa shaaca ka qaadday in gacanta lagu dhigay madixii maaliyadda kooxda daacish ahaana wakiilkii Ajaaniibta Cabdiweli Maxamed Aw Yuusuf (Walalac) iyo labo xubnood oo la socda kana tarisanaa firxadka kooxdaasi.

Qoraal ka soo baxay taliska hawlgalka Hillaac ayaa lagu sheegay in Walalac iyo labada xubnood oo la socdey hawlgal ka dhacay deegaanka Laag ee degmada Xumbays oo ay iska kaashadeen ciidanka difaaca dowladda Puntland iyo Dowladda Maraykanku.

“Waxaa laqabtay Abdiweli Mohamed Aw Yusuf (Abdiweli Walalac) Madaxii maaliyadda ahaana wakiilka Ajaanibta Argagixisada Daacish iyo labo xubnood oo kale, hawlgalka oo ka dhacay deegaanka Laag ee degmada Xumbeys, waxaa fuliyey saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka oo taageeraya Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland”, Ayaa lagu yiri hawlgalka Hillaac.

Dhanka kalena, hawlgalka Hillaac ayaa warbixintiisa ku sheegay,”Hawlgalka Calmiskaad ayaa maraya meel gebogebo ah, waxaana socda ugaarsiga firxadka Argagixisada iyo Horjoogeyaashoodii ka cararay Calmiskaad”