Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil habeenimadii xalay loo geystey taliyihii saldhigga degmada Jarriiban…

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil habeenimadii xalay loo geystey taliyihii saldhigga degmada Jarriiban ee gobolka Mudug, Gaanshaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye, xilli uu kujirey hawl-maalmeedkiisa caadiga ah.
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Mudug, Maxamuud Muuse Bile (Fardafuul), oo xaqiijiyey geerida Marxuum Gaanshaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye, ayaa tacsi u diray ehellada marxuumka, ciidamada Booliska Puntland iyo guud ahaan shacabka Puntland.
Intaas kadib laamaha ammaanka gobolka Mudug gaar ahaan degmada Jarriiban ayaa xaqiijiyey inay gacanta ku soo dhigeen Ibraahim Axmed Kooshin oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilka taliyaha, kadib iskaashi ay la sameeyeen odayaasha dhaqanka degmada Jariiban.
Booliska Puntland ayaa xusay in eedeysanaha loo gudbin doono hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh, si loogu maro hannaanka caddaaladda ee Puntland, waxaana qoraalka booliska lagu sheegay in baaritaannada kiiskan ay sii socon doonaan ilaa laga dhameystirayo dhammaan xogaha la xiriira dhacdada.
“Taliska Qaybta Booliska gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay eedeysane Ibraahim Axmed Kooshin, kaas oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay dilkii Taliyihii Saldhigga Degmada Jariiban, Alle ha u naxariistee G/le Guuleed Kadleeye“, Ayaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay laamaha ammaanka Puntland.
Saldhigga deegaanka Dekedda leh ee Garacad waxaa horay ugu dhaawacmay taliyihii hore ee saldhigga degmada Jarriiban kadib weerar rag hubaysan oo burcadnimo lala xiriirinayo ay ku doonayeen inay ku soo furtaan shaqsiyaad kale oo goobta kaga xirnaa.




