Wasaaradda deegaanka Puntland ayaa shaaca ka qaadday in iyadoo kaashanaysa hay’adaha ammaanka ay qabatay koox Soomaali…

Wasaaradda deegaanka Puntland ayaa shaaca ka qaadday in iyadoo kaashanaysa hay’adaha ammaanka ay qabatay koox Soomaali ah oo ka shaqaynaysay xaalufka deegaanka gaar ahaan dhoofinta dhirta loo yaqaan Geed-quwaaxa iyo dhir kale oo naadir ku ah dhulka Soomaalida.
“Wasaaradda deegaanka iyo taliska qaybta booliska gobolka Nugaal waxay ku guulaysteen qabashada shabakad ku hawlanayd jarista iyo ka ganacsiga dhirta laysku dheho bahda Geed-quwaaxa iyo dhir kale oo deegaankeena naadir ku ah” ayaa lagu yiri warbixinta wasaaradda.
Dhanka kalena, wasaaradda ayaa sheegtay inay soo noqnoqdeen falalka liddiga ku ah deegaanka iyo waxyeelayntiisa ayna middaasi sabab u tahay fulin la’aanta xeerarka, waxaana ay ka dalbatay hay’adaha garsoorka inay tallaabo adag ka qaadaan cidkasta oo lagu helo falal liddi ku ah xaalufka deegaanka iyo laynta ugaarta.
“Soo noqnoqoshada dembiyada ka dhanka ah deegaanka waxaa sabab u ah fulinta shuruucda oo hoosaysa, sidaas darteed waxaan ka codsanaynaa laamaha garsoorka dowladda Puntland inay cidkasta oo arrinkaa lagu eedeeyo ka qaaddo tallaabada ugu habboon, taasi oo sababaysa in cidkasta oo arrintaas ku hawlan ay dib uga laabato”, ayaa lagu sheegay warbixinta wasaaradda.