Puntland oo qabatay xubno Daacish u qaabilsanaa ururinta lacagaha & dhigista miinooyinka.

18 February, 2025

Laamaha ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay xubno sar sare oo kooxda Daacish u qaabilsanaa dhigidda…

Laamaha ammaanka Puntland ayaa gacanta ku dhigay xubno sar sare oo kooxda Daacish u qaabilsanaa dhigidda qaraxyada iyo ururinta dakhliga magaalada Boosaaso, xilli uu dagaal milatari ka socdo buuraleeyda Cal-miskaad.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare, Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo ka warbixiyey natiijada hawlgallada amni sugidda magaalada Boosaaso iyo guud ahaan gobolka Bari ayaa ugu horrayn u mahadceliyey guud ahaan shacabka oo u bareeray soo gudbinta xogaha iyo qabashada cidkasta oo ay uga shakiyaan falal ammaan xumo.

“Wallaahi habeenkii ma seexdo, waxaan la seexan waayay waa shacabka oo qofkii ay ka shakiyaanba isku duubaya oo qabanaya, si uusan u baxsan markaasina kuu soo sheegaya, waxaana idin sheegayaa shaqada aan qabano badankeeda in ay iska lee yihiin shacabka gobolka Bari”, Taliyaha qaybta booliska gobolka Bari.

Dhanka kalena, Taliyaha ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen xubno u qaabilsanaa dhigidda qaraxyada iyo ururinta dakhliga, “Waxan rabaaa in aan idinku bishaareeyo dagaalka buurta laga wado mid ka xooggan baan gudaha ka wadnaa, waxaan qabanay kuwa badan uu dakhliga u ururin jiray, waxaan qabanay kuwa badan oo gudaha qaraxyo dhigi jiray si ay dhagar u sameeyaa” .