Saraakiil katirsan Ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland oo ku sugan gobolka Sanaag ayaa ku guulaystey inay qarameeyaan…

Saraakiil katirsan Ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland oo ku sugan gobolka Sanaag ayaa ku guulaystey inay qarameeyaan isla markaana diiwaanka dowladda geliyaan ciidamo deegaanka ah oo ku sugan Magaalada Badhan.
Abbaan-duulaha ciidamada Daraawiishta Puntland S/Guuto Xuseen Dheere oo ku sugan gobolka Sanaag ayaa magaalada Badhan ku qarameeyay ciidamo beeleedkan oo si rasmi ah ugu biiray ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland.
Abbaan-duulaha ayaa sheegay in ay wixii hadda ka danbeeya heli doonaan xuquuq iyo mushaar lamid ah tan ciidamada difaaca Puntland helaan iyo sidoo kale daryeel dhammaystiran.




