Puntland oo Qatar ku eedeysay dilkii maareeyihii DP World ee Boosaaso.

11 November, 2025

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa eedeyn culus u jeediyey dowladda Qatar, isagoo ku sheegay in Doha ay…

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa eedeyn culus u jeediyey dowladda Qatar, isagoo ku sheegay in Doha ay lug weyn ku leedahay dilkii maareeyihii shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso, Paul Farmosa, oo lagu dilay bishii March 2019.

Puntland ayaa sidoo kale ku eedeysay Qatar inay taageerto kooxaha argagixisada iyo warbaahinta faafisa fikradahooda. Wasiirka ayaa sheegay in kooxaha buuraha ku sugan iyo kuwa ku dhuumaalaysanaya saxaafadda ay yihiin laba weji oo hal shay ah.

Wasiirka ayaa ku celiyey in Puntland ay si buuxda uga go’an tahay la dagaallanka argagixisada. Wuxuu xusay in la soo afjari doono cid kasta oo faafisa mabaadi’da Daacish iyo AlShabaab.

Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda Qatar inay hoy siisay Maxamed Siciid Atam oo ahaa hoggaamiyihii hore ee AlShabaab ee Galgala a dagaalmay, isla markaana ay hadda ku nooshahay dalkaas.

Wasiirka Warfaafinta ayaa intaas ku daray in Qatar ay maalgeliso warbaahinta Middle East Eye, taas oo uu ku sifeeyay mid dacaayado iyo warar been abuur ah ka faafisa Puntland.