Madaxda ugu sarraysa dowladda Puntland ayaa ku boorisay Hay’adaha garsoorka inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan…

Madaxda ugu sarraysa dowladda Puntland ayaa ku boorisay Hay’adaha garsoorka inay tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan maxaabiistii kooxda Daacish iyo cidkasta oo lagu helo inay la shaqayso kooxaha nabaddiidka ah ee ku sugan gobolka Bari.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo la dardaarmayey garsoorka cusub ee Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa faray inay toogasho ku xukumaan cid walba oo lagu helo kamid ahaanshaha kooxda Daacish ee lagu jebiyey Cal-miskaad.
Dhankiisa Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor oo tababar u furay garsoorka ayaa sheegay in Puntland ay cadaawad xyn kala dhexayso kooxaha nabaddiidka ah ayna garsoorka ka sugayaan xukumo ad-adag.
“Puntland waxay diyaar u tahay in latoogto dadka argagixisada ku lug leh iyo kuwa dilalka gaysta, waana midda laydinka sugaya inaad tallaabo ka qaaddaan cid walba oo dambi geysata”, Ayuu yiri Lugatoor.



