31 May, 2025
Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe sagootin kooban ugu samaysay Wakiilkii Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Marwo Wafaa…

Puntland ayaa maanta magaalada Garoowe sagootin kooban ugu samaysay Wakiilkii Hay’adda UNICEF ee Soomaaliya Marwo Wafaa Sa’eed oo uu dhammaaday muddo xafiiskeedii shaqada.
Madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha Madaxweynaha dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor Gebiley ayaa aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Wafaa Sa’eed, isagoo uga mahadceliyey wadashaqayntii Puntland.
Lugatoor waxa uu xusay in Wafaa Sa’eed ay waxbadan ka qabatay deegaamada Puntland, isagoo sheegay inay wadashaqayn buuxda la yeelan doonaan madaxda cusub ee xafiiska loo soo magacaabi doono.




