Puntland oo sagootisey saraakiil katirsan Qaramada Midoobey.

31 January, 2026

Guddoomiyaha Degmada Garowe, Cabdulqaadir Axmed Geeddi ayaa hadhimo sharafeed sagootin ah u sameeyay laba mas’uul oo…

Guddoomiyaha Degmada Garowe, Cabdulqaadir Axmed Geeddi ayaa hadhimo sharafeed sagootin ah u sameeyay laba mas’uul oo sare oo ka tirsanaa Qaramada Midoobay, Alexandru Dubenco Isku-duwihii Amniga Gobolka ee UNDSS iyo Maika Yabakivou, Isku-duwihii Amniga ee Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Puntland (UNTMIS), kuwaas oo soo gebagebeeyay waajibaadkoodii shaqo.

Munaasabadda waxaa lagu muujiyay qaddarin buuxda oo ku aaddan shaqadii hufnayd ee ay qabteen iyo kaalintii ay ka geysteen xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa degmada Garowe iyo xafiisyada Qaramada Midoobay.

Mas’uuliyiinta la sagootiyay ayaa muujiyay inay ku qanacsanaayeen muddadii dheerayd ee ay ka shaqeynayeen magaalada, iyagoo uga mahadceliyay Duqa soo dhoweynta iyo iskaashiga ka heleen, Gudoomiyaha ayaana u rajeeyay guul iyo horumar howlaha u xiga.