Diyaaradaha Millariga dowladda Maraykanka oo kaabaya hawlgalka Hillaac ayaa sahay ka daabulay magaalada Boosaaso si ay…

Diyaaradaha Millariga dowladda Maraykanka oo kaabaya hawlgalka Hillaac ayaa sahay ka daabulay magaalada Boosaaso si ay u guursiiyaan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Qoraal ka soo baxay hawlgalka Ciribtirka argagixisada ee Hillaac ayaa lagu sheegay in dowladdu sahay cirka ah gaarsiisay deegaamada uusan gaadiidka dhulku geli karin ee Cal-miskaad gaar ahaan Baalade.
“Dowladda Puntland waxay caawa xagga Cirka Raashin iyo Agab ku gaarsiisay Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ee ku sugan buuralayda Calmiskaad, iyadoo arrintaasi ay fududeeyeen saaxiibada Dowladda Puntland ee Maraykanka” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hawlgalka Cal-miskaad.
“Sidoo kale Dowladda Maraykanka ayaa todobaadkan fulisay Duqeymo ay ku taageerayso hawlgalka, iyadoo beegsatay goobo ay ku dhuumanayeen firxadka Argagixisada Daacish” Ayuu sii raaciyay qoraalka ka soo baxay Xafiiska Warbaahinta u qaabilsan Hawlgalka Calmiskaad.



