Dowladda Puntland ayaa wadda qorshe ay saldhig ciidan oo casri ah uga hirgelinaysa degmada Laasqoray ee…

Dowladda Puntland ayaa wadda qorshe ay saldhig ciidan oo casri ah uga hirgelinaysa degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag, iyadoo ay ka hawlgeli doonaan cutubyo katirsan ciidanka badda Puntland.
Saldhig badeedkaan ciidan oo noqon doona midkii 2aad ee ugu weynaa Puntland kadib Boosaaso ayaa waxaa qorshihiisa qayb ka ah in ka badan 200 oo ah ciidamo laga qori doono gobolada Sanaag iyo Haylaan.
Go’aankaan ayaa lafilayaa in madaxweynaha Puntland uu kaga dhawaaqi Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, halkaasi oo uu kula kulmi doono isimada dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka Sanaag.
Guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo hadda ku biiray maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay in dagaalka ay Puntland ku qaadayso Alshabaabka ku sugan Cal-daw uu yahay mid laga lee yahay dano siyaasadeed.



