Xukuumadda Puntland ayaa wadda qorshayaal adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo deegaamada buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari, oo…

Xukuumadda Puntland ayaa wadda qorshayaal adeegyada dowladnimada lagu gaarsiinayo deegaamada buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari, oo dhowaan laga ciribtiray argagixisada Daacish.
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in xukuumaddu ku hawlan tahay sidii riigagga biyaha, xarumo caafimaad, waxbarasho iyo saldhigyo ciidan looga hirgelin lahaa Turmasaale ilaa Dhasaan oo laga saaray Daacish.
“Magaalada Dhaadaar dowladdu riiggii ayey geysey oo hadda laga qodayaa, waxaa la rabaa in laga sameeyo xarumo ciidan, waxaa la rabaa in laga hirgeliyo dhammaan adeegyadii aasaasiga u haa nolosha bulshada”, Madaxweyne Deni.
Ciidanka Puntland ayaa weli kujira hawlgalka ciribtirka nabaddiidka Hillaac, waxaana xilligaan firxadka kooxdaasi ciidanku ku ugaarsanayaan togga Miiraale oo ay ku dhuumaalaysanayaan.