Puntland oo saraakiil boolis ah tababar ugu soo xiraysa degmada Carmo ee gobolka Bari.

16 August, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulliyadda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Carmo tababar ugu soo…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulliyadda ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Carmo tababar ugu soo xiraya ciidamo cusub oo ku biiri doona Booliska Puntland.

Askartaan oo tiradoodu ka badan tahay 500 ayaa muddo 8 bilood ah qaadanayey tababaro la xiriira layli sarkaal, kadib markii laga soo xulay ardayda ka baxday Jaamacadaha gudaha Puntland.

Taliska ciidanka booliska Puntland ayaa horay u sheegay in dhammaan ciidankaan ay xuquuqdiisa la wareegi doonto dowladda Imaaraadka Carabta oo bilowday mashaariiic ay ku taageerayso ciidamada Booliska.