Puntland oo saraakiil ciidan waxbarasho ugu diraysa dalka dibaddiisa.

Taliska ciidanka booliska Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay qorshaynayaan sidii tababar dalka dibaddiisa ah loogu…

22 October, 2025

Taliska ciidanka booliska Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay qorshaynayaan sidii tababar dalka dibaddiisa ah loogu diri lahaa, ciidamo dhawaan tababar ugu soo dhammaaday kulliyadda Carmo ee gobolka Bari.

Taliyaha ciidanka Booliska Puntland Gen. Muumin Cabdi Shire oo ka hadlay munaasabad lagu hawlgelinayey ciidamadaasi ayaa sheegay inay horay u qorsheeyeen in dhammaan ciidanka loo diro tababar dibadda ah haseeyeeshee ay aqoon ahaan dhammaystiran yihiin, haseyeeshee 30 kamid ah aqoon sare loogu qaadi doono dalka dibaddiisa.

“Waxaan horay u qorshaynaynay in dhammaantiin laydiin qaado dibadda, laakiin waxaa noo soo baxday inaad aqoon ahaan dhisan tihiin oo aydinaan u baahnayn safar dibadda ah, kaliya waxaan qorshaynaynaa in 30 idinka mid ah dibadaha loo qaado si ay ugu biiraan taliska sare ee booliska Puntland”, Ayuu yiri Gen. Muumin Cabdi Shire.