Puntland oo saraakiil miina baar ah u dirtay Cal-miskaad.

23 April, 2025

Masuuliyiinta maamulka gobolka Nugaal ayaa Garoowe sagootin ugu sameeyey saraakiil katirsan waaxda Miino baarka ciidanka Puntland…

Masuuliyiinta maamulka gobolka Nugaal ayaa Garoowe sagootin ugu sameeyey saraakiil katirsan waaxda Miino baarka ciidanka Puntland oo ka hawlgeli doona buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Nugaal Mukhtaar Faarax Jeer, Saraakiil iyo waxgarad ayaa Garoowe kaga qaybgalay munaasabad kooban oo lagu sagootinayey saraakiishaan, si ay qayb uga noqdaan hawlgalka Hillaac.

Guddoomiye Mukhtaar ayaa sheegay in ciidanka ku hawlan miino baarku ay yihiin kuwa ugu muhiimsan maadaama aysan shaqadu socon karin la’aantood isla markaana Daacish ay siweyn u adeegsatay miino dhigista.

“Waa lafdhabarta dagaalka, gaari iyo ciidan midna ma mari karo meel aysan miino baar ku samayn, waana sababta loo beegsanayo mararka qaarna dacaayadaha been abuurka ah looga faafinayo”, Ayuu yiri guddoomiye Mukhtaar Faarax Jeer.