Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland ayaa si daahfuran u shaacisay deeq waxbarasho oo laga helay Dowladda Masar, taas oo fursad siinaysa ardayda Puntland ee doonaysa inay sii wataan waxbarashadooda heerarka sare.

Deeqdan ayaa isugu jirta Master’s Degree (Heerka Labaad) iyo PhD (Heerka Saddexaad), waxaana loogu talagalay ardayda ka soo qalin-jabisay jaamacadaha ku yaalla Puntland, gaar ahaan kuwa buuxiya shuruudaha iyo qodobbada lagu xusay deeqda waxbarasho.
Deeqda waxbarasho ayaa lagu baran karaa maaddooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin:
- Caafimaadka
- Injineernimada
- Cilmiga Dhulka
- Cilmiga Kumbuyuutarka
- Cilmiga Beeraha
- Xannaanada Xoolaha
- Cilmiga Badda
- Cilmiga Dhaqaalaha iyo Maamulka
- Waxbarashada
- Sharciga
Fursaddan waxbarasho ayaa muhiimad gaar ah u leh horumarinta aqoonta iyo tayada xirfadlayaasha Puntland, iyadoo ardayda la siinayo fursad ay waxbarasho heer sare ah ku qaataan dalka Masar, isla markaana ay mustaqbalka kaalin uga qaataan horumarinta adeegyada iyo hay’adaha kala duwan ee Puntland.




