Puntland oo shaacisay dhammaystirka mashruuc muhiim u ah gaadiidka.

Puntland ayaa shaaca ka qaadday inuu dhammaad yahay dhismaha laamiga isku xira deegaanka Birta-dheer iyo degsiimada…

31 August, 2025

Puntland ayaa shaaca ka qaadday inuu dhammaad yahay dhismaha laamiga isku xira deegaanka Birta-dheer iyo degsiimada Kala-baydh ee gobolka Nugaal, kaas oo lagu dhisayo cashuurta dadweynaha.

Qoraal ka soo baxay hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA ayaa lagu sheegay in wadadaan oo dhererkeedu dhan yahay 20KM, la dhammaystiray 18.55 KM oo kamid ah, inta dhimmana la dhammaystiri doono.

Hay’adda ayaa sheegtay in mashruucaani uu wax weyn ka tari doono isku socodka bulshada, horumarinta ganacsiga iyo fududeynta gaadiidka u kala goosha guud ahaan gobolada Somalia.