Saraakiisha ciidanka difaaca dowladda Puntland ee ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari aaya shaaca ka…

Saraakiisha ciidanka difaaca dowladda Puntland ee ku sugan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari aaya shaaca ka qaaday in la diley 8 kamid ah firxadkii Daacish ee dhaqdhaqaaqyada ka samayn jirey togga Jacayl ee gobolka Bari.
Ciidamada ayaa soo bandhigay hub ka kooban noocyo kala duwan, miinooyinka waddooyinka lagu xiro iyo qalab cameroyiin kujiraan oo laga qabtay kooxdii Daacish oo ay sheegeen in lagu burburiyey duqaymo lala beegsaday.
“Halkaan waxaa taagan ciidankii ka hawlgalay soo afmeeridda nimankii weerarada fulaynimada ku soo qaadi jirey togga Jacayl, waxay ahaayeen 10 nin oo muddo 2 bilood ah ku dhuumaalaysanayey deegaankaan mar ay xoolo dhacaan, maray gaadiid wadada u galaan iyo mar ay miino dhigaan, saaka waxaan ku guulaysanay inaan hubkoodii iyo qalabkoodii soo qabano iyagiina waxaa lagu laayey duqayn shalay lala beegsaday”, Ayuu yiri sarkaal katirsan ciidanka difaaca Puntland.
Saraakiisha oo sheegay inay sii wadi doonaan beegsiga firxadka Daacish ayaa sheegay inay soo xaqiijiyeen meydadka 8 kamid ah raggaasi intii kalena ay ku raad joogaan.
“Ciidanku waxay soo qabteen hub isugu jira AK47, PKM, Seben iyo qalab ay wax ku duubi jireen marka ay dhibaatooyinka u geystaan deegaanka, ciidamadu waxay raqdoodii (Meydkoodii) soo arkeen 8 nin oo ku geeriyoodey duqayn lala beegsaday.”




