Puntland oo shaacisay dilka madixii Daacish ee xiriirka dibadda iyo daabulka ajaaniibta.

20 May, 2025

Ciidamada difaaca Puntland ayaa deegaanka Gurya-simo ee gobolka Bari Khamiistii la soo dhaafay ku khaarajiyey madaxii…

Ciidamada difaaca Puntland ayaa deegaanka Gurya-simo ee gobolka Bari Khamiistii la soo dhaafay ku khaarajiyey madaxii Arrimaha dibadda iyo Keenista ajaanibta u qaabilsanaa kooxda Daacish, Axmed Muuse Siciid oo ku magac dheeraa (Beeldaaje).

Horjooge Axmed Muuse Siciid (Beel-daaje) ayaa la sheegay inay meydkiisa qaateen laamaha sirdoonka Puntland, iyagoo geeridiisa xaqiijiyey habeenimadii xalay, kadib hubin lagu sameeyey.

Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland, Cabdifitaax Maxamed Cabdinuur oo xaqiijiyay dilka hoggaamiye Axmed Muuse Beeldaaje ayaa sheegay in horjoogahaan oo dunida halis ku ahaa lagu khaarajiyey hawlgal qorshaysan oo ka dhacay buuraleeyda Cal-miskaad.

Puntland ayaa buuraleeyda Cal-miskaad ka wadda hawlgallo lagu baadi goobayo firxadka malayshiyaadka Daacish ee ku dhuumaalaysanaya togagga Miiraale iyo Baalade kadib jabkii ku gaarey togga Jacayl.