Puntland oo shaacisay halis ka taagan deegaanka Macdanta laga qodo ee Milxo.

19 June, 2025

Barlamaanka Puntland ayaa markii ugu horraysay banaanka keenay haliso ku gadaaman bulshada iyo macdan qodayaasha deegaanka…

Barlamaanka Puntland ayaa markii ugu horraysay banaanka keenay haliso ku gadaaman bulshada iyo macdan qodayaasha deegaanka Milxo ee Bariga gobolka Sanaag.

Warbixin ay soo diyaariyeen guddiga arrimaha deegaanka ee golaha wakiilada Puntland ayaa lagu sheegay in dadka ku hawlan macdan qodista deegaanka Milxo ay wajahayaan haliso caafimaad, haddii aysan helin difaac ku filan.

Warbixinta guddiga ayaa lagu sheegay in agabka Mercury-ga ee dahabka lagu shaandheeyo uu leeyahay halis haddii aan la xiran difaacii loogu talagalay ay dadka ku keeni karto xanuuno halis ah bulshada deegaankuna u baahan yihiin ka warqab iyo inay helaan qalabka difaaca ee loogu talagalay.

“Nimco walba waxay leedahay nusqaanteeda halis ayey kujiraan dadka dahabka qota, Meerkuriga dahabka lagu shaandheeyo wuxuu lee yahay halis aad u badan, wuxuu dhibaateeyaa xidida iyo sambabada qofka, calaamadaha marka hore la arkayo waxaa kamid ah maqaarka oo ay ka soo baxaan nabro marka dambena dhimasho ayuu keenaa”, Ayuu yiri xildhibaan katirsan barlamaanka Puntland.