Puntland oo shaacisay heshiis dhexmaray Villa Somalia iyo Alshabaab.

16 July, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa caddaysay jiritaanka heshiis qarsoodi ah dhexmaray Villa Somalia iyo AS, si Alshabaab aysan…

Puntland State House

Xukuumadda Puntland ayaa caddaysay jiritaanka heshiis qarsoodi ah dhexmaray Villa Somalia iyo AS, si Alshabaab aysan u qabsan Magaalada Muqdisho aanna loogu tegin deegaamada muhiimka ah ee ay maamulaan.

Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku fashilmay dagaalka argagixisada uu heshiis lagalay kooxda Alshabaab, uuna xilligaan kahor tegayo dagaalka ka dhanka ah AS kujirta buuraha Cal-madaw.

“Xassan Shiikh maadama uu ku fashilmay dagaalkii Alshabaab ee koonfurta dalka ka dibna uu la heshiiyey Alshabaab, wuxuu go’aansadey in uu ka hortago dagaalka Puntland ku qaadeyso Shabaabka ku jira Buurta Calmadoow ee Gobalka Sanaag, balse kuma uu guulaysandoono dagaalkuu ku soo qaadey deegaanada nabadda ah ee Puntland” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiwahaab.

Saraakiil ciidan, Saxafiyiin iyo siyaasiyiin ayaa horay carrabaabay jiritaanka heshiis dhexmaray DFS iyo kooxda Alshabaab, kahor inta aan xafiiska lagu soo celin agaasimaha hayadda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka Soomaaliyeed Mahad Salaad.

Dowladaha Maraykanka iyo UK ayaa hoos u dhigay wadashaqayntii dhanka ammaanka ee DFS iyagoo walaac ka muujiyey isku milanka Alshabaab iyo Hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.