Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda dowladda Puntland, Axmed Jaamac Jowle ayaa ka hadlay hoos u dhac…

Agaasimaha guud ee wasaaradda maaliyadda dowladda Puntland, Axmed Jaamac Jowle ayaa ka hadlay hoos u dhac ku yimid dakhliga mashaariicda caalamiga ah ee sanadka 2026.
Miisaaniyadda Dowladda Puntland ee 2026 waxay ka kooban tahay dakhli lagu maamulayo Khasnadda Dowladda (On-budget) iyo dakhli ka baxsan Khasnadda Dowladda (Off-budget). Miisaaniyadda guud ee sanadka waxay dhan tahay $315,783,344.
1. Dakhliga Gudaha (On-Budget Revenue)
• Dakhliga gudaha ee 2026: $117,612,300
• Kordhinta marka loo eego 2025: 16%
• Kabka Miisaaniyadeed ee lagu daray: $22,541,685
• Dakhliga gudaha ee guud ahaan Khasnadda lagu maamulo: $140,153,985
2. Mashaariicda Bankiga Adduunka ee soo mara Khasnadda Dowladda
• Lacagta sanadka 2026: $39,495,472
• Wadarta dakhliga dhammaan ee Khasnadda Dowladda lagu maamulayo: $179,649,457
3. Dakhliga ka baxsan Khasnadda Dowladda (Off-Budget)
Qaybtani waxa ay ka kooban tahay:
• Mashaariicda Qaramada Midoobay
• Hay’adaha caalamiga ah
• Mashruuca Bankiga Horumarinta Afrika
• Dawladaha Hoose
Wadarta: $136,133,887 sanadkii.
Mashaariicdan waxaa si toos ah u maamula hay’adaha fulinaya, iyaga oo ku fuliya qorsheyaal horumarineed oo gaar u ah.
Waxa xusid mudan in mashaariicda caalamiga ah ee 2026 hoos u dhaceen 57%, marka la barbar dhigo 2025, taasoo ka dhalatay hoos u dhac weyn oo ku yimid deeqaha caalamiga ah ee la heli jiray.




