Puntland oo shaacisay in 53 ku dhinteen 599 kalena ku dhaawacmeen shilal gaadiid 2025.

30 December, 2025

Ciidanka ammaanka Puntland ayaa soo bandhigay shilalkii gaadiidka ee sanadkaan ka dhacay gudaha Puntland iyo khasaaraha…

Ciidanka ammaanka Puntland ayaa soo bandhigay shilalkii gaadiidka ee sanadkaan ka dhacay gudaha Puntland iyo khasaaraha nafeed ama gaadiid ee ay sababeen muddadaasi.

War-saxaafadeed ka soo baxay laanta ilaalada waddooyinka ciidanka booliska Puntland ayaa lagu shaaciyey in sanadkaan dhammaadka ah ee 2025 ay Puntland ka dhaceen 11,055 shil gaadiid oo sababay khasaare kala duwan.

Sarkaalka ugu sarreeya ciidanka ilaalada waddooyinka Puntland ayaa xaqiijiyey in 53 ruux ay ku geeriyoodeen 599 kalena dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen shilalkaasi, iyadoo ay ku waxyeeloobeen in ka badan 10.000 oo gaari oo 64 kamid ah ay noqdeen kuwa hawl gab ah ama aan shaqayn.