29 January, 2026
Xaaladda abaaraha deegaamada Puntland ayaa siweyn uga sii dartay sanadka cusub ee 2026, waxaana deegaamada qaar…

Xaaladda abaaraha deegaamada Puntland ayaa siweyn uga sii dartay sanadka cusub ee 2026, waxaana deegaamada qaar laga soo sheegaya dhimashada dad haraad u caqday & duunyo aan tir lahayn.
Maamulka gobolka Mudug ee Puntland ayaa shaaciyey in 7 ruux ay caq ugu geeriyoodeen deegaan daaqsimeed hoosyimaada degmada Jirriiban ee gobolka Mudug kadib markii ay biyo la’aan daran soo foodsaartay.
Guddoomiyaha gobolka Mudug Faysal Sheekh Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa ugu baaqay dowladda, hay’adaha caalamiga ah iyo shacabka reer Puntland inay gurmad degdeg ah gaarsiiyaan gobolka.



