Taliska ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo hawlgalka kooxda Daacish looga…

Taliska ciidanka difaaca dowladda Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey halka uu marayo hawlgalka kooxda Daacish looga sifaynayo deegaamo katirsan buuraleeyda Cal-miskaad ee gobolka Bari.
Afhayeenka hawlgalka Hillaac, Gen. Maxamuud Faadhigo oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in ciidanku qarka u saaran yihiin ceelka Miraale oo ah halkii ugu dambaysay ee Daacish awooddeeda isugu geysey kadib qabashadii Turmasaale ilaa Dhasaan.
Gen. Faadhigo, waxa uu sheegay in Daacish doonayso inay ku dagaalanto Miraale iyo Baalade oo leh ceel biyoodyo iyo goobo difaac oo dabiici ah isla markaana aysan jirin meel ka dambaysa oo ay ku sii diri karaan haddii laga qabsado.
“Weli lama gaarin saldhigyadii waaweynaa ee ay Madaxdoodu ku dhuumaalaysanayeen, hadda waxaa la qabtay difaacyadii ka horreeyey, awooddoodiina waxay ku soo ururtay Miraale iyo Baalade”, Afhayeen Faadhigo”.