Puntland oo shaacisay in DFS liddi ku tahay ammaanka iyo jiritaankeeda.

2 July, 2025

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo kulan ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay shaqooyinka…

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdiraxmaan Xaaji Abshir oo kulan ku qabtay Magaalada Garoowe ayaa ka hadlay shaqooyinka maamulka iyo faragelin uu sheegay in lagu hayo deegaamada Puntland.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in DFS ay liddi ku tahay ammaanka iyo jiritaanka deegaamada Puntland, wuxuuna ugu yeeray maamulada gobolada iyo qaybaha bulshada in meel looga soo wada jeensado cid kasta oo waxyeelaynaysa ammaankeeda.

“Puntland oo 27 sano jirta waa ognahay cidda ammaankeeda jiritaankeeda waxyeelaynaysa, waana inaan dhammaanteen meel uga soo wada jeensanaa, DFS inagu xubin ayaan ka nahay laakiin waxay dhibaato ku tahay amniga Puntland waxayna doonaysaa inay ina burburiso, waxay doonayaan inay dhinac ka soo marto dowladda oo laynoo soo diro wiilal aan dhalnay si ay inoo dhibaateeyaan”, Ayuu yiri guddoomiye Qaanqaan.