Wasiirka caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in DFS ay…

Wasiirka caddaaladda Puntland Maxamed Cabdiwahaab oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Garoowe ayaa sheegay in DFS ay xilal sarsare ka hayaan rag katirsan Alshabab aanna weli ka soo laaban mawqifkoodii hore, isagoo sheegay in la qorshaynayo in talada dalka lagu wareejiyo kooxaha nabaddiidka.
“Layaab maleh maanta inaan maqlayno Alshabaab ayaa hubkii loo ogolaaday, kaararkii aqoonsiga ayaa Alshabaab qaadanaysa oo madaxweynihii ugu yeerayo, waxaas oo dhammi la yaab maleh waayo dowladda dowladdii dhammayd wasiiradii, Agaasimayaashii, ciidankii iyo meel walba rag Alshabaab ah ayaa madax ka ah meel qaybtood meel ay kaga bexeen ma jirto”, Ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiwahaab.
Dhanka kalena, Wasiir Maxamed Cabdiwahaab ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisu inay diyaarinayaan qorshihii talada dalka loogu wareejin lahaa kooxda Alshabaab.
“Waxaa muuqata Madaxweyne Xasan Sheekh inay diyaarinayaan qaabkii talada dalka Alshabaab loogu wareejin lahaa wax qarsoonna ma ahan, waddamo ayaana dabada ka riixaya sidii Syria lagu tijaabiyey, kaararka ay dadka ku khasbayaan waa in berri doorasho been ah la qabto oo dalka Alshabaab gacanta loogeliyo”, Ayuu yiri Markale Wasiirku.




