Puntland oo shaacisay in la diley 6 kamid ah raggii miinada u dhigay Gen. Qalyare.

29 September, 2025

Puntland ayaa shaaca ka qaadday in la burburiyey shabakaddii ka dambaysay qarixii miinada ee lagu diley…

Puntland ayaa shaaca ka qaadday in la burburiyey shabakaddii ka dambaysay qarixii miinada ee lagu diley AUN Taliyihii guutada 2aad ee ciidamada kujira hawlgalka Hillaac Gen. Axmed Cabdi Cali (Qalyare).

Wasiirkii amniga Puntland ahna lataliyaha amniga ee Madaxweynaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali Qarjab, oo ka hadlay kulan ka dhacay Garoowe ayaa shaaciyey in 6 kamid ah raggaasi la diley midna nolosha lagu qabtay.

“Kuwii jananka Miinada u dhigay 7 ayey ahaayeen 6 waa la diley midna waa la qabtay, labadii cisho ee ugu dambaysayna ilaa 37 kale oo argagixiso ah ayaa ciidanka geesiyada ah ee Puntland dileen”, Ayuu yirI Qarjab.

Dhanka kalena, Qarjab ayaa ugu baaqay dhammaan shacabka Puntland inay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah cadawga gaar ahaan kuwa ku sugan Magaalooyinka oo uu tilmaamay inay taageero afeed iyo mid dhaqaale siiyaan nabaddiidka.