Puntland oo shaacisay in Madaxweyne Deni u sharaxan yahay Somalia.

14 September, 2025

Xukuumadda Puntland ayaa markii u horreysey si dad ban u shaacisay in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni…

Xukuumadda Puntland ayaa markii u horreysey si dad ban u shaacisay in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu markale u taagan yahay Madaxweynaha dowladda federalka ah ee Somalia.

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa tilmaamay in aysan jirin cid kale oo samata-bixin karta dalka, sida uu hadalka u dhigey.

“Puntland waxay u diyaarsan tahay samatabixinta dawladnimada Soomaaliyeed, sidii ay horay ugu samatabixisay xilligii Madaxweyne hore Cabdullaahi Yuusuf”, Ayuu yiri Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.

Wasiirka ayaa waxa uu intaasi ku daray,”Mar kale, Madaxweynaha Puntland, Saciid Deni, wuxuu samatabixin doonaa dawladnimada Soomaaliyeed, xilligan ma jiro hoggaamiye kale oo waxqabadkiisa la hubo.”